Yerry Mina Oo Sabab Kaa Yaabin Doonta Ku Sheegay Inuu Kabo La’aan U Galay Camp Nou

Yerry Mina, ayaa waxaa la yaabey qof walba oo joogey munaasabadii lagu soo bandhigey, markii uu tilaadiisa ugu horeysa uu Kabaha isaga siibey Banaanka, isagona gudaha ugalay Camp Nou, isagoo caga maran.

Tani ayaa wuxuu ku sifeeyay wiilkaan kadib markii uu hor yimid warbaahinta caado dhaqameed dadkooda gaar u ah iyo mid kamid ah astaamo uu ugu talagay inuu ku xushmeeyo kooxdiisa kubada cagta Barcelona.

Laakiin, ficilkaan uu sameeyay Mina ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay wax quraafaad ah, oo la aaminsan yahay, balse waxay caado ka tahay kubada cagta.

Yerry Mina trepitja descalç el Camp Nou

Wuxuu usheegay, wariyaasha sidaan: “Waxa aan ku beertey halkaan lugaheyga, waxana aan ku taabtey lugaheyga oo maran dhulka, sidaas darteeda waxaan rabaa inaan ku guuleysto halkaan.

Intii ay socotey soo bandhigistiisa wiilkaan ayaa wuxuu soo bandhigey dhaqamo gooni ah, isagoona si gaar a ugu raaxeystay maalintiisa.

Wax yaabihii cakiibka ahaa ee uu soo bandhigey ayaa waxaa kamid ah, inuu ahaa mid wajihi furfuran leh, noola cadeyn badan iyo inuu garoonka ku dheeley Qoob ka cayaar kooban oo layaab badan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close