Zico: ‘Udhaqaaqida Chelsea waa fursad dahabi ah uu helay’

Zico: Chelsea move a 'golden opportunity' for Pato

Halyeeyga qaranka Brazil Zico oo aaminsan kubiirida Pato ee naadiga Chelsea ay tahay fursad weyn taasoo uu ku cadeyn kara heerka uu yahay weeraryahankan.

Weeraryahanka milkiyaadiisa ay leedahay kooxda Corinthians kaasoo haatan amaah kula jooga Chelsea inta uu kasoo idlaanaya xilli ciyaaredkan, balse waa mid weli aan kasoo muuqan gegada Stamford Bridge.

“Waa fursad cajiib u ah isaga. waxad ku tilmaami kartaa midaan fursad dahabi ah,” Zico ayaa sidaa usheegay Website-ka kooxda Chelsea.

“Waa ciyaaryahan tayadiisa heer sare ay gaartay marna hoos udhac uu ku imaada, waxana umaleynayaa in uu la qabsan doona Chelsea, wax wanaagsan ayuuna kusoo bandhigi doonaa, taasoo ah mid ufiican qaranka dalka Brazil.

“Marki Pato uu lasoo baxay kubad heer caalami, waxa uu  aaminsanaa in dahabiga kubada cagta Brazil uu yahay, waana mid udhaqaaqay Milan aad ayuuna uwanagsanaa, balse dhaawac helay xilligaas ayaa ka dhigay mid hoos udhac badan laga dareemo.

“Hada waa mid heysta fursad kale uu ku cadeeyn karo tayada uu leeyahay inta uu jooga Chelsea, si uu dib ugu soo noqda waayihisa wanaagsanaa.”

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close