Zidane Oo Hal Arin Oo Yaab Leh Kula Taliyay CR7 Si Uu Caawa Goolal Uga Dhaliyo Dortmund

Real Madrid ayaa waxay caawa ay soo dhaweyn doontaa Dortmund, waxaana ay la ciyaari doontaa kulan tirsan wareega Group-yada ee Champions League, waxaana xusid mudan in Real, ay horey usoo baxday wareega 16-ka.

Ka hor kulankaan, ayaa waxaa la tilmaamayaa in Ronaldo iyo Zidane, ay qaateen kulan gaar ah kaasoo diirada lagu saaray abaarta goolasha ee xidiga reer Portugal, sida ay baahisay Shabakada Don Balon.

Don Balon, ayaa waxay aaminsan tahay in Ronaldo, laga codsaday inuu kulankaan soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa saxda ah, taasoo inuu wada shaqeyn fiican la yeesho dhamaan ciyaartoyda kooxdiisa.

Wiilkaan ayaa waxaa la hadalhayaa in uusan ku qanacsaneen dhalinyarada uu garoonka kusoo bilaabo Zidane:- waxaana la sheegyaaa in Zidane uu usheegay CR7, in hadii uu banooniga ubaaso ciyaartoyda uu dhalin dono goolal.

Ronaldo, waxa uu haatan yahay gooldhaliyaha ugu sareeya tartankaan hada socda ee Champions League, wuxuuna leeyahay SIdeed gool:- Isagoona hadii uu caawa dhaliyo gool uu dhigi doono Rikoor cusub.

Rikoorka uu dhigi doono Ronaldo, ayaa waxa uu yahay iyadoo uu haatan goolal kasoo dhaliyay shanta kulan ee heerka Group-yadda ee Champions League, ayaa hadii kulankii Lixaad uu dhaliyay gool, uu noqon doonaa xidigi ugu horeeyay ee sidaas sameeya.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close