Zidane Oo Ka Hadlay Hadii Neymar Ay Xidig Daba Dhigi Doonaa Iyo Cida Badin Karta Iyaga & PSG

Tababaraha Real Madrid, ee Zidane, oo la hadlayay wariyaasha ka hor kulanka ay caawa kula dheeli doonaan garoonkooda PSG, kaasoo Champions League, ayaa la weydiiyay hadii ay ciyaaryahan daba dhigi doonaan Neymar si uu ujoojiyo.

Laakiin, macalinkaan dalka Faransiiska, kasoo jeeda ayaa diiday inuu ka jawaabo guud ahaan su’aashaan, sida laga soo xigtay Website-ka, rasmiga ah ee xiriirka kubada cagta Yurub ee loo yaqaan UEFA.com.

Zidane, oo geesta kale la su’aalay cida labinta guusha heli doonta iyaga iyo PSG, ayaa iska fogeeyay inay badin doonaan, wuxuuna si kalsooni leh uu usheegay in ciyaartu ay tahay mid loo wada siman yahay guusha.

Wuxuu yiri: “Waxaan isku diyaarinay inaan dheelo kulanka, waana diyaar unahay inaan udheelo sideena ugu wanaagsan, sidii aan sameyn jirnay.

“Waa kulan 50-50, mana jirto cid guusha sheegan karta ka hor 90-ka daqiiqo iyo wixii kale ee lagu dharo,” ayuu sii daba dhigay.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Had iyo goor, waxaan diyaar unahay hadii aan nahay shaqaalaha Real Madrid, inaan wanaajiyo quluubta taageerasheena, qof walba oo Madrid, waa uu farxi doonaa kadib kulankaan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close