Zidane Oo Ka Jawaabay Hadii Ay Ka Baqayaan Inay Ku Aadaan Warega 16-ka UCL Koox Weyn

Wareega Group-yadda ee tartanka Champions League ayaa waxaa lasoo gaba gabeeyay xalay, kadib markii la dheelay kulamadii ugu dambeeyay ee heerkaan, waxaana koox walba ay tahay mid wadnaha farta ku haysa.

Sababta ayaa waxay tahay in laga cabsi qabo inay isku soo aadaan, wareegaan kooxo waa weyn maadaama ay isugu soo hareen kooxo waa weyn, waxaana Zidane, uu xaqiijiyay inay diyaar uyihiin inay wajahaan koox kasta.

Mar uu la hadlayay wariyaasha kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay kaga badiyeen kooxda Dortmund, oo ka dhacday garoonka, ayaa waxa uu yiri, Zidane: “Waxaan filayaa inaan dheelnay kulan adag, waana ku farax sanahay guushaan.

Wuxuu raaciyay: “Waxaana ogahay inaan ku aadi doono wareega xiga ee koobkaan koox adag, waxaana udiyaarsan nahay inaan la dheelno koox kasta, waxaana nahay kuwa kalsooni badan haysta.

Isku aadka wareega 16-ka ee tartanka Champions League, ayaa waxaa la filayaa in la sameeyo maalinta Talaada ee soo aadan:- waxaana kooxaha soo baxay ay yihiin kuwa xoog badan, waxaana aad ka akhrisan kartaa halkaan.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close