Zidane Oo Sameeyay Ficil Aan Horey Looga Baran Taasoo Uu Iska Fogeyn Jiray Inuu Ku Dhaqaaqo

Macalinka Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zidane ayaa wuxuu sheegay in Garsooryaasha Horyaalka La Liga ay u baahan yihiin in sarre loo qaadoo heer kooda Daacadnimo, islamarkaana haatan aysan ahayn, kuwa leysku haleyn, karo, isagoona lamid noqday Madaxweynaha Cad Cadka.

Florentino Pérez, ninka haya Jagada ugu sareysa Los Blancos ayaa wuxuu toddobaadkaan sheegay in Xaakimiinta garoonka ee La Liga ay yihiin kuwa u baahan hormarin, isagoona cadeeyay in siday ay haatan wax ku wadaan aysan ahayn  mid loo dul qaadan karo.

“Heerka garsoorka si daacadnimo ah ayaa loo hagaajin karaa” waxaa sidaas u sheegay Warbaahinta Maamulaha Real, kaasoo umuuqday mid gabi ahaanba ka careysan Natiijadii Barbardhaca ahayd, oo ay la galeen Levante, Asbuucaan, iyadoona kulankaas uu kusoo dhamaaday 1-1.

Zidane: No quiero una Liga española sin el Barça

Boqorada La Liga ayaa uruursatay dhibco gaaraya afar, sedax kulan oo ay ka ciyaartay Horyaalka Spain, iyadoona ka hooseysa Barcelona, oo leh Sagaal dhibcood, waxaana ay badisay dhamaan sedaxdii kulan oo ay ka dheeshay Horyaalka labaad ee aduunka.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close