Zidane Oo Si Ay Ka Caroon Karaan Jamaahiirta Real Uga Hadlay In Xagaagan Ay Qaadi Karaan UCL

Tababaraha Real Madrid, ee Zinedine Zidane, ayaa waxa uu qiray in aysan ku fikireyn in markii sadexaad oo xiriir ah ay ku guuleystaan sanad ciyaareedkan, tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League.

Isagoo uwaramayay wariyaasha kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay xalay kasoo badiyeen naadiga Dortmund, ayaa wuxuu Zidane, uu sheegay muhiimada ay haatan ay saari doonaan kulamada kusoo wajahan.

Wuxuu sheegay in wareega 16-ka ee Champions League iyo kulamada ay ka dheeli doonaan koobab kala ah: La Liga iyo Kooba Kooxaha aduunka ee FIFA Club World Cup, ay yihiin kuwa ay haatan ka fikirayaan.

Wuxuu yiri: “Kuma fikireyno inaan ku guuleysano markii sadaxaad oo xiriir ah tartanka Champions League – Waxa aan haatan muhiimada saareysa ee wareega 16-ka, waxaana ku farax sanahay guusha aan caawa gaarnay.

Wuxuu raaciyay: “Dabcan waxaan haysanaa waqti badan oo aan kaga fikirno arinkaas – Laakiin waxaan diirada saari doonaa Liga, FIFA Club World Cup kadib waan arki doonaa, waxa dhaca waan ka fikiri doonaa UEFA Champions League.

Real Madrid, ayaa waxay tahay kooxda difaacaneysa sanad ciyaareedkan tartanka Champions League, kadib markii ay hanatay xagaagii lasoo dhaafay, waxaana sida ka muuqata hadalka Zidane, xagaaga wax rajo ah kama laha.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close