Zidane Oo Si Cajiib Ah Uga Hadlay Hadii Tayada CR7 Ay Hoos U Dhacday Xili Uu 33-sano Jir Noqday

Weerar yahanka Real Madrid, ee Cristiano Ronaldo ayaa todobaadkan udabaaldegay Dhalashiisa, isagoona 33-sano jirsaday, waxaana taasi ay keentay inay soo baxaan hadalheyno badan, kuwaasoo ay kamid yihiin inay ka dhamaatay.

Sheekada sii hurisay ayaa waxaa kamid ah in wiilkaan uu kaliya shabaqa gaaray xagaagan dhamaan tartamada oo dhan 20 jeer, taasoo ah wax aanan looga baran iyadoo lamarayo kala barka xili ciyaareedka, taasoo lagu dhaleeceeyay.

Sikastaba, Zinedine Zidane ayaa aaminsan in tanni kaliya ay tahay wax uusan xitaa uqalmin wiilkiisa Lamberka 7aad wata, uuna wali yahay ciyaaryahan halis ah.

“Laga yaabee inay haysato nasiib daro dhanka gooldhalinta, hada ayuu ka dhiiro-naan badan yahay sidii hore, waana uu sameyn karaa wax walba,” ayuu hogaamiyaha Real Madrid ka sheegay shirkiisa Jaraa’id ee maanta.

“Had iyo goor, wuxuu nafsadiisa cadeeyaa, uuna yimaadaa kulamadda adag,” ayuu Zidane kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa.

Sikastaba, Ronaldo ayaa kulanka ugu soo horeeya ee uu dheeli doono wuxuu noqon doonaa kaasoo ah mid weyn kan ay 14-ka Febraayo ku wajihi doonaa Paris Saint-Germain, kaasoo lagu ogaan doono Faanka macalin Zidane.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close