Zidane Oo Si Lama Filaan Ah Uga Jawaabay Su’aal Ahayd Waa Kuma Laacibka Ugu Fiican Aduunka?

Maamulaha Naadiga Los Blancos, ninka lagu magacaabo Zidane ayaa wuxuu amaan kala daalay Ronaldo kadib markii bandhig aan caadi ahayd, uu sameeyay ciyaartii ay 3-0 ugu soo awood sheegteen Naadiga Apoela, kulan ka tirsanaa Koobka Champions League.

CR7 ayaa wuxuu dhaliyay Laba gool, oo mid kamid ah uu yimid qeybtii koowaad ee ciyaarta, iyadoona kan kale, uu yimid qeybtii labaad ee kulanka, iyadoona midka sadexaad uu anxsiyay laacibka Daafaca ka dheela ee Sergio Ramos, kaasoo xalay aad isu muujiyay.

“Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu fiican waqti xaadirkaan aduunka, wuuna nala sii joogi doonaan, wuuna dhalin doonana mar waliba,” ayuu kulanka kadib usheegay Macalin Zidane Muuqaal baahiyaha caalamiga ah ee dalka Qadar laga lee yahay ee lagu magacaabo BeIN Sport.

“Waanu gareynaa awoodiisa, isaga wuxuu sameeyay wax fiican, shaqo wanaagsan ayuuna qabtay, waaana ku faraxsanahay inaan badino, kulankaan,” ayuu hadalkiisa kusii daray maamulaha Naadiga Cad Cadka lagu naaneyso ee ka dhisan caasimada dalka Spain.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close