Zidane Oo Soo Bandhigey Hal Arin Oo Sabab U Ah In Barca Ay Ka Liitaan XIli Ciyaareedkan

Maamulaha kooxda kubada cagta Real Madrid, ee Zidane, ayaa wuxuu sheegay in dhibaatada kaliya ee hada haysata naadigiis ay tahay in mar walba ay maqlaan ayna akhristaan war xun oo iyaga ku saabsan.

Isagoo uwaramayey warbaahinta ka hor kulanka ay la dheeli doonaa caawa oo Sabti ah, kooxda kubada cagta Villarreal ayaa wuxuu Zidane, carabka ku dhuftey in inkastoo ay taasi jirto hadana aysan marnaba dhag jalaq usiin doonin.

Wuxuu ka codsadey ciyaartoydiisa inay muujiyaa wada shaqeyn iyo isku duubmi si ay uga gudbaan xaaladda adag oo ay hada ku jiraan, taasoo uu sheegay in aysan uga gudbi doonin si sahal ah.

Wuxuu yiri: “Mar walba waxaan maqalnaa wax xun oo ku saabsan Inaga, laakiin waa ay iska fududaha in la sheego xumaanta, laakiin halkaan Madrid, ma ahan meel sida xun looga fakiro.

Wuxuu intaas ku darey: “Waa inaan inaan sida adag aan ushaqeynaa si aan uga gudubno mar xaladaan aadka u adag, ugama tilaabi karno si fudud, hadii aanan ushaqeyn si wadajir ah.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay; “Mar walba waa inaan xoojinaa midnimadeena si aan ugaarno hadafka aan hiigsaneyno, waxaaan ugu muhiimsan inaan si wadajir ah aan ushaqeyno, si aan uga baxdo dhibaatada.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close