Zidane oo tibaaxay goorta uu ku biiri doono naadiga PSG Jesé Rodríguez

Laacib.so Jesé Rodríguez ayaa waxay u badan tahay in sacada soo aadan uu gaari doono dalka france waa sida ay qabaan wargeysyada aduunka.

Macalin Zizou ayaa wuxuu isna si rasmi ah u xaqiijiyay in Jesé uu hal talaabo u jiro ku biirista kooxda Paris Saint-Germain, xili uu macalinkan reer France uu sii tilmaamay in wada hadalada labada dhinac ay u socdaan qaabkii loogu talagalay.

Macalin Zidane ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id uu qabtay waxyaabihii uu kaga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa:

“Paris Saint-Germain waa koox aad u wanaagsan, waana meesha ugu haboon uu u dhaqaaqi lahaa Jesé Rodríguez, sababtoo ah wuxuu ka heli karaa fursad uu ku dhalin karo goolal farabadan, waxaan u rajeenayaa inuu bandhig wanaagsan ku sameen doono dalka France, balse waa in xili kastaa uu Jesé ka war qabaa in Real Madrid ay tahay gurigiisa labaad”.

Hadalkan kasoo yeeray macalin Zinedine Zidane ayaa waxay marqaati cad ka noqoneysaa in Jesé Rodríguez xili ciyaareedka cusub uu kasoo muuqan doono kooxda PSG.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close