Zinedine Zidane Oo Amaan Ugu Qubeeyay Laacib ka Cristiano Ronaldo…

"Cristiano Ronaldo Waa Wax Kale"

Zinedine Zidane, tababaraha Real Madrid, ayaa amaanay xiddigiisa Cristiano Ronaldo, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay ciyaaryahan wax kale ah oo duni kaleba kayimid “رونالدو من كوكب آخر”, xili uu muujinayay heerka iyo sida uu ula dhacsanyahay.

Ronaldo ayaa Xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 42 gool tartamada oo dhan, islamarkaana kooxdiisa ka caawiyay inay ku guuleysato horyaalka iyo Champions League.

Zidane ayaa hadalkiisa ku daray xili wareysi uu siinayay muuqaal baahiyaha “Bein Sports”, in Sergio Ramos yahay kabtanka iyo hogaamiyaha kooxda, halka Ronaldana ku sheegay ciyaaryahay mucjisa ah, sidoo kale waxuu intaa ku siidaray in laacib ka Karim Benzema leeyahay tayo sarre.

Si kastaba ha ahaatee hadalkaan kasoo yeeray Zidane, ayaa muujinaya sida hogaamiyahaan ula dhacsanyahay ciyaaryahanada kooxda Real Madrid iyo kalsoonida uu u haayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close