Zinedine Zidane Uu Wajahayo In La Ceeriyo & Macalinka Lagu Bedali Doono Oo La Ogaaday

Tababaraha Real Madrid, ee Zinedine Zidane, ayaa waxa uu ku wajahayaa baqdin ku aadan inuu waayo shaqadiisa, islamarkaana waxaa suura gal in laga ceeriyo kooxdiisa, hadii uusan soo hoyn guulo, kulamada soo aadan, sida ay sheegayaan wararka.

Zidane, oo shaqada Madrid, qabtay laba sano ka hor, ayaa waxa uu kula guuleystay Los Blancos, koobab badan oo ay ku jiraa laba sano oo isku xigta oo uu ku guuleystay koobka xiisaha badan ee Champions League.

Balse, xagaagan aan haatan ku jirno ayaa waxa uu wajahayaa cadaadis aad u badan, isagoona aanan badin qaar kamid ah, kulamadii ugu dambeeyay, waxaana uu shaxda kala sareynta ee La Liga, uu kaga jiraa kaalinta afaraad.

Sidaas darteeda, Shabakada Don Balon oo kasoo baxda wadanka Spain, ayaa waxay sheegeysaa in maamulka Madrid, ay doonayaa inay ceeriyaan Zidane, islamarkaana ay si lama filaan ah ugu soo celiyaan shaqada Madrid, Carlo Ancelotti.

Carlo Ancelotti, ayaa waxa uu yahay mid anaan wax shaqo aanan ahayn, waxaana uu dhawaan uu diiday inuu qabto shaqada xulka qaranka Talyaaniga, sida ay wararku sheegayaan, waxaana laga soo ceeriyay shaqada Bayern Munich.

Sikastaba, go’aanka lagu ceerinayo Zidane, islamarkaana lagu soo ceelinayo Carlo Ancelotti, ayaa waxaa la filayaa inay ku noqoto taageerayaasha Cad Cadka, inkastoo ay jiri karaan kuwa aad usoo dhaweeya.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close