Zlatan Heshiis Kordhintiisa kooxda Shuruud Ku Xiray, Muxuu Yahay?

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku sii nagaan doono Man United sida ay ogaatay majalada Sports Expressen ee reer Swedish. Heshiiskaas ayaa la sugayaa in laacibka reer Swedan uu ugu yaraan ku dari doono hal sano Kooxda United. Zlatan hamigiisa koowaad waa in uu Horyaalka Premier League ku guuleestaa kadib uu ka mid noqdaa laacibiinta tirada yar ee ku guuleestay horyaalada Talyaaniga, Spanishka, Faransiiska iyo Ingiriiska.

Si kasta Zlatan ayaa ka dalbaday United ka hor inta uusan saxiixin in 4 laacib Kooxda lagu soo daraa uuna ugu horeeyaa laacibka Verratti oo ay iskala soo ciyaareen Kooxda PSG. Sida ay qoreeyso majaladaan laacibkaan reer Sweden ayaa doonaayo inuu Kooxda ay xooga saartaa hanashada Horyaalka asiga oo aan kala jecleen Koobka Horyaalada Yurub ee Champions League muhiimadana ay tahay hanashada Horyaalka. Mino Riola ayaa sheegay in La Galaxy ay xiiseeyneeyso inay Zlatan ka dhigtaa laacibka ugu mushaarka badan MLS.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close