Zlatan Ibrahimovic iyo Alexis Sanchez Oo Seegay Kooxda Ugu Fiican Sanadka Horyaalka EPL-ka

Laacibiinta Eden Hazard, N’Golo Kante iyo Harry Kane, ayaa hogaaminaya shaxda ugu fiican Sanadkaan ee horyaalka Ingiriiska, waxaana Liiska Xiddigahaan oo lasoo saaray ubana yihiin Chelsea iyo Tottenham.

Danny Rose, Gary Cahill, David Luiz, Kyle Walker iyo Dele Alli, ayaa iyagu waxa ay yihiin Xiddigaha kasoo muuqday Shaxdaan, islamarkaana udheela kooxaha ugu waa weyn ee magaalada London ee dalkaas England.

Seddex xiddigood ee aan kasoo muuqan shaxdaan, islamarkaana aan udheelin kooxaha London, ayaa waxa ay kala yihiin David de Gea oo Manchester United ah, Sadio Mane oo Liverpool, Romelu Lukaku oo Everton.

Midkoodna kama uusan kasoo muuqan shaxdaan Xiddigaha Zlatan Ibrahimovic iyo Alexis Sanchez, kuwaa oo loosoo daalinayey in ay ku guuleysan doonaan Abaal marinta PFA, oo sidoo kale loo yaqaan Kooxda Ugu Fiican Sanadka.

 

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close