Zlatan Oo Dhamaadka Xagaagan Ka Tagaya United Xili La Shaaciyay Kooxda Uu Ku Biirayo

Weerar yahanka Manchester United ee Zlatan Ibrahimovich, ayaa heshiis la galay kooxda reer Mareykan ee LA Galaxy, wuxuuna uwareegi doonaa naadigaan dhamaadka fasal ciyaareedkan.

Sikastaba, tababaraha kooxdaan oo wax laga weydiiyay saxiixooda laacibkaan ayaa sheegay in hadii weerar yahankaan uu yimaado kooxdiisa ay uu saameyn weyn uu ku yeelan doono shaxdiisa.

Sigi Schmid, maamulaha LA Galaxy ayaa sheegay in Zlatan ay kusoo dhaweynayaa gacmo furan islamarkaana ay rajeynayaa, inuu goolal ugu dhaliyo horyaalka MLS-ka ee dalka Ingiriiska.

Wuxuu yiri: “Hadii ay dhacdo, waaba ay dhacdayeen, mar kale, wey dhacday – marka waxaana uu sameyn doonaa wax wanagasan.

“Waqti xaadirkaan, waxaan rajeynaynaa inuu wax fiican noo sameeyo, hadii uu noo yimaado, aad ayaana usoo dhaweyn doonaa.

“Waa ciyaaryahan weyn, waana mid saameyn weyn ku yeelan doono kooxdeyda, waana mid kamid ah kuwa dunida ugu fiican.

“Wuxuu lamid yahay Messi iyo Neymar, ciyaartoydaan oo kale, ayuuna kooxdeena saameyn ugu yeelan doonaam,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay tababraha kooxda LA Galaxy ee dalka UK.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close